Sky Sport Italia ayaa sheegay in kooxda Parma ay diyaar u tahay inay bad baadiso mustaqbalka weeraryahanka kooxda Liverpool Mario Balotelli.
Xidigan ayaa ku dhibaatoonayo garoonka Anfield haatana si rasmi ah ayuu kalsooni kaga waayay macalin Brenden Rodgers.
Sidaa darteed wararka ka imaanayo dalka Talyaaniga ayaa sheegayo in kooxda Parma ay qaab amaah ah ku qaadan doonto Balotelli inta ka harsan xili cayaareedkan.
Maamulka kooxda Parma ayaa doonayaan inay dib usoo nooleeyaan rajada kooxdan madaama Parma kaalinta hoose ay ku dhameesatay wareega hore ee Serie A-da Talyaaniga.
Waxayna kooxdan dooneysaa inay Balotelli dib ugu soo celiso Serie A-da sidoo kalena ay siiso fursad uu mustaqbalkiisa cayaareed ku bad baadsan karo.
Inkastoo Parma ay shaaca ka qaaday qorshaheeda hadan Sky Sport Italia aya sheegay in Liverpool ay si taxadir ku dheehan dalabka kooxda reer Talyaani uga jawaabi doonto.
Waxayna Liverpool doorbidee in si toos ah looga iibsado Super Mario halkii ay amaah ku bixin laheyd.