Cristiano Ronaldo iyo dhamaan xidigaha kooxda Real Madrid ayaa dalka China gaareen waxayna halkaas ku cayaari doonaan kulamo saaxiibtinimo.
Madrid dhawaan safar xiiso badan waxay kusoo qaadatay dalka Australia balse kooxdan ayaa fileyso inay soo dhaweyn taariikhi ah ka heli doonto shacab weynaha reer China.
Los Blancos waxay haatan saldhig ka dhigatay gobolka Guangzhou waxayna kulamo saaxiibtinimo oo heer sare ah la cayaari doontaa kooxaha Inter Milan iyo AC Milan.
Madrid marka ay labadan kulan la cayaarto kooxaha Milan ka dhisan waxay dib ugu soo laaban doontaa qaarada Yurub ayadoo tartanka Audi Cup kala qayb qaadan doonto kooxaha Bayern Munich, AC Milan iyo Tottenham.
Jadwalka Real Madrid ee xagaagan u dagsan iyo kulamada oo ay ilaa haatan cayaartay:
July 18 Real Madrid 0-0 Roma (Roma ayaa 7-6 rigoorayaal guusha ku qaadatay)
July 24 Manchester City 1-4 Real Madrid
July 27 Inter Milan vs Real Madrid
July 30 Real Madrid vs AC Milan
Aug 4 Real Madrid vs Tottenham
Aug 5 Real Madrid vs Bayern Munich or Milan
Aug 9 Real Madrid vs Valerenga