Home » Horyaalada » La Liga Spain » Kooxda Real Madrid Oo Diyaar U Ah Inay Dhageesato Dalabyada Ku Aadan Coentrao Iyo Illarramendi

Kooxda Real Madrid Oo Diyaar U Ah Inay Dhageesato Dalabyada Ku Aadan Coentrao Iyo Illarramendi


illarra-coentrao-1024x561

Wargeska Marca ayaa shaaca ka qaaday in kooxda Real Madrid ay dhageesan doonto dalabyada ku aadan labadeeda xidig Asier Illarramendi iyo Fabio Coentrao.

Macalin Rafeal Benitez iyo maamulka Madrid ayaa isla garteed in labadan xidig garoonka Barnabue laga fasaxo balse waa hadii lagu helo qiimo aad u sareeyo.

Real Madrid waxay dhibsatay dhaawacyada joogtada ah ee uu ka bixi la’yahay Fabio Coentrao sidaa darteed Marca ayaa sheegay in daafaca reer Portugal xagaagan la iibin doono.

Waxayna Real Madrid badalkiisa lacago aad u sareeyo kusoo iibsan doonta Ricardo Rodríguez oo garabka bidix ee daafaca kooxda VFL Wolfsburg kaga cayaaro.

Illarramendi waxaa dabal xoogan ku heyso Liverpool oo dhawaan dalab 16-milyan oo pound laga diiday waxayna Real Madrid ku dooneysaa iibkiisa inay ugu yaraan ku hesho 25-milyan oo pound.

Dhinaca kale shabakada AS ayaa sheegtay in Illarramendi fursad dheeri ah la siin doono madaama macalin Rafeal Benitez uu ku kalsoon yahay inuu xidigan kooxdiisa dhanka khadka dhexe ka caawin karo.

Benitez ayaa qabo aragtida ah in laacibkale oo khadka dhexe ku wanaagsan aan kooxda lagu soo kordhinin balse Illarramendi la siiyo fursad dheeri ah laakiin aragtidan ma ahan mid ay maamulka guud ee Madrid la qabaan macalinkan waaya araga ah.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>