Home » Maxaa Cusub » Kooxda River Plate Ee Dalka Argentina Oo Ku Riyooneysa Iney Dib Usoo Ceshato Radamel Falcao

Kooxda River Plate Ee Dalka Argentina Oo Ku Riyooneysa Iney Dib Usoo Ceshato Radamel Falcao


Falcao 11

Kooxda River Plate ee dalka Argentina ayaa albaabka u furtay Shabeelka reer Colombia Radamel Falcao kaas oo xili xun ku qaadanaya garoonka Old Trafford.

Radamel Falcao ayaa xili ciyaareedkan amaah ku yimid kooxda Manchester United, waxaana la filayay iney kooxda uu hogaamiyo Louis Van Gaal si toos ah ula saxiixan doonto, balse taas ma muuqato madama xidigaan uu muuq beelay.

29-jirkaan heerka caalami wuxuu 8-sano ku sugnaa kooxda River Plate waayahiisii ugu horeeyay kubada cagta, haatana madaxweyne ku xigeenka kooxda Matias Patanian ayaa ku riyoonaya iney dib ula saxiixdaan Shabeelkii ay bareen dunida kubada cagta.

Matias Patanian ayaa u waramay Esto es River “Waxaan ku riyooneynaa Falcao, albaabka waa u furan yahay, waana riyadeena mustaqbalka” Ayuu yiri.

Si kastaba Falcao ayaa ka niyad jabsan EPL-ka, inkastoo uu labadii kulan ee ugu dambeysay xulkiisa Colombia u dhaliyay sadex gool.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>