Naadiga AS Roma ayaa ku guuleesatay saxiixa goolhayaha reer Poland Wojciech Szczesny kana tisan kooxda Arsenal.
Madaama goolhayaha kowaad ee Roma Morgan De Sanctis uu cayaaraha ka fariisan doono xagaaga dambe waxay kooxdan ku qasban tahay inay goolhaye cusub gacanta kusoo dhigto.
Waxayna haatan Roma qarka u saaran tahay inay heshiiskiisa dhameestirto goolhaye Wojciech Szczesny oo kooxdiisa Arsenal ka dalbaday in xagaagan la iska fasaxo.
Roma heshiiska shaqsiga ah waxay la gaartay Wojciech Szczesny sidoo kalena haatan wada hadalo waxay la wadaa Arsenal si goolhayahan qiimo jaban looga iibiyo.
Roma dooqeeda kowaad waxay ahaayeen goolhayaha xulka Argentina Sergio Romero oo haatan Man Unite dku biiri rabo iyo goolhaye Salvatore Sirigu oo iska diiday inuu kooxdiisa PSG ka tago.
Sidaa darteed Roma oo aan rabin inuu waqti badan ka lumo waxay haatan heshiis la gaartay Wojciech Szczesny oo ka gadoodsan inuu Arsenal lasii joogo marba hadii Petr Cech uu garoonka Emirates dhawaan imaaday.
Wojciech Szczesny oo 25-jir ah xili cayaareedkii dhawaa wuxuu xulkiisa Poland u saftay 23-kulan wuxuuna go’aansaday inuu mustaqbalkiisa cayaareed Serie A-da Talyaaniga kasoo wato.