Kooxda Bologna oo dhawaan usoo dalacday horyaalka heerka koowaad ee talyaaniga ayaa xiiseyneysa weeraryahanka kooxda Liverpool Mario Balotelli.
Balotelli ayaan wali la helin koox heer sare ah oo xiseyneysa taasna waxey keentay in kooxaha soo koraya ee heerka hoose ay soo gudbiyaan xisaha ay u qabaan iyagoo doonaya iney badbaadiyaan mustaqbalka xidigaan heerka caalami.
Sidoo kale Sampdoria ayaa xiiso ba’an u qabta xidigaan wallow aysan jecleysan lacagaha ay duldhigtay Liverpool madaxa xidigaan.
Agaasimaha ciyaaraha Bologna Pantaleo Corvino ayaa u sheegay Corriere dello Sport iney doonayaan soo xerogalinta Balotelli hadii uu hormar ku sameynayo halkaan.
“Dabcan Bologna wey xushmeyneysa qarashadka ku bixi kara, balse waa inuu noqdaa qiimo sax ah oo suuragalin kara inaan lasoo saxiixano”
Si kastaba Balotelli ayaa heysta fursad yar si uu u badbaadiyo mustaqbalkiisa kubada cagta, ujeedka ugu xun ee xidigaan looga fogaanayo ayaa ah dabci xumadiisa.