Wararka ka imaanayo dalka Jarmalka ayaa sheegayo in kooxda Tottenham ay ku guuleesan rabto saxiixa kubad sameeyaha kooxda Bayern Munich iyo xulka Jarmalka Xherdan Shaqiri.
Laacibkan ayaa la hubaa inuu bisha Janaayo Munch isaga hayaami doono madaama uu dhawaan mamulka kooxdan ka dalbaday in la iska fasaxo marba hadii uusan qayb ka ahayn qorshaha macalin Pep Guardiola.
Inkastoo kooxaha Juventus iyo Liverpool ay qal qaali ugu jireen saxiixa laacibkan lugta bidix ku cayaaro hadana wargesyada dalka Jarmalka ayaa qoreen in Tottenham haatan ku guuleesan rabto saxiixa madaama kooxdan London ka dhisan ay wada xaajood la furtay Bayern.
Xherdan Shaqiri kaliya 297-daqiiqo ayuu Bundesligaha Jarmalka Bayern u cayaaray balse 23-jirkan waqtigan kooban labo gool ayuu dhiibay sidaa darteed macalinka kooxda Tottenham Maraucio Pochetino ayaa diyaar u ah inuu bixiyo 19-milyan Euro ah oo ay Bayern xidigan dl dhigtay.