Kooxda Valencia ayaa noloshiisa ka mamnuuci doonta inuu soo galo garoonka Mastella Stadium taageerahii dhalada biyaha ah kusoo tuuray Lionel Messi kulankii ay kooxdiisa Barcelona guusha dirqiga ah ka gaartay Valencia kulan dhacay Axadii.
Sergio Busquets ayaa dhaliyay waqtigii dhimashada gool sadexda dhibcood farta ka saaray Valencia, inkastoo kulanka uu ahaa mid xamaasad badan hadana intii lagu jiray dabaal dagii goolka Barca, taageere ayaa dhalo biyo ku jirta kusoo tuuray madaxana kaga dhuftay xidiga Barcelona Lionel Messi.
Si Kastaba Valencia waxey qaadaneysaa go’aan culus iyadoo taageerahaas ka mamnuuci doonta noloshiisa inuu soo galo garoonka Mastella Stadium si ay u ilaaliso sharafta garoonka iyo kooxdaba.
“Valencia waxey ka xun tahay isla markaana ay cambaareyneysaa dhacdadaas foosha xun ee dhacday kulankii Barcelona, inkastoo ay aheyd mid yar, waxaana tarabuunka dhalo biyo ku jiraan looga soo tuuray xidigii naga horjeeday ee Lionel Messi” Ayey u qorneed warbixin lagu daabcay website-ka gaarka ah ee kooxda.
“Kooxda waxey isku dayi doontaa iney helaan shaqsiga dhalada kusoo tuuray garoonka, waxeyna ku ganaaxi doonaan inuusan waligiis soo galin Mastella”
Sidoo kale Valencia waxey sheegtay in howshaan ay tahay mid aan loo dulqaadan karin isla markaana ka hor imaaneysa sharciga amaan ee loo dajiyay garoonka.
Ugu dambeyntii guusha ay gaartay Barcelona waxey ka dhigtay iney kaalinta labaad soo istaagto iyadoo laba dhibcood ka hooseysa Real Madrid oo hogaanka La Liga heysa.