Home » Horyaalada » La Liga Spain » Kooxda Valencia Oo Kusoo Biirtay Loolanka Ay Kooxaha Yurub Ugu Jiraan Saxiixa Andriy Yarmolenko

Kooxda Valencia Oo Kusoo Biirtay Loolanka Ay Kooxaha Yurub Ugu Jiraan Saxiixa Andriy Yarmolenko


Andriy Yarmolenko

Kooxda reer Spain ee Valencia ayaa kusoo biirtay loolanka ay kooxaha yurub ugu jiraan weeraryahanka kooxda Dynamo Kiev [Andriy Yarmolenko].

Sida ay ku warantay TalkSPORT, kooxda ku ciyaarta Mastella Stadium ayaa noqotay kooxdii ugu dambeysay ee kusoo biirta loolanka xidigaan heerka caalami waxaana kaga horeeyay kooxda Chelsea ee dalka Ingiriiska.

Andriy Yarmolenko ayaa ku jira waqti qurux badan isagoo xili ciyaareedkaan kooxdiisa u dhaliyay 15-gool, wuxuuna soo jiitay indhaha kooxo badan oo ka dhisan qaarada yurub.

Sidoo kale talkSPORT ayaa shaacisay in kooxda reer France ee Paris Saint Germain ay iyana ku jirto liiska kooxaha reer yurub ee doonaya xidigaan heerka caalami.

Ugu dambeyntii Andriy Yarmolenko ayaa qudhiisa ku faraxsan inuu kasoo guuro Ukraine isla markaana uu usoo dhaqaaqo horyaalada ugu weyn yurub.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>