Kooxda VFL Wolfsburg ayaa ku guuleesatya Koobka Jarmalka laga cayaaro ee DFB Pokal kadib markii ay si awood ku dheehan koobkan qiimaha badan kaga qaadeen naadiga Dortmund.
Macalin Jurgen Klop qorshihiisa hal bacaad lagu lisay ayaa laga soo qaaday madaama uu tababarahan rabay inuu kooxdiisa Dortmund koobkan ku macsalaameeyo.
Balse Wolfsburg oo kaalinta labaad xili cayaareedkan Bundesligaha ka gashay ayaa Dortmund ugu awood sheegatay 3-1 sidoo kalena koobka gacanta ku dhigtay.
Kulankan xiisaha badan ee ka dhacay magaalada Berlin waxaa goolka la hormartay kooxda Dortmudn ayadoo uu daqiiqadii 5-aad hogaanka u dhiibay P. Aubameyang oo baas ka wanaagsan ka helay Shingi Kagawa.
Kooxda Wolfsburg daganaan ayay muujisay waxaana u suura gashay inay iska soo gudo goolkii lagu lahaa kadib markii Naldo kubad laad xor ah ee uu goosha Dortmund la helay uu iska soo celiyay goolhayaha waxaana kubada si sahlan gool ugu badalay Luiz Gustavo.
Kooxda Dortmund kalsoonida ayaa ka luntay markii goolka laga soo guday sidaa darteed Kevin de Bruyne ayaa kasii naxsaday madaama uu cayaarta 2-1 ka dhigay daqiiqadii 33-aad.
Kooxda Wolfsburg weerarkeeda ayay sii kordhisay taasi oo u sahashay naadigan inay goolkeedii 3-aad hesho waxaana cayaarta 3-1 ka dhigay xidiga reer Holland Bas Dost daqiiqadii 38-aad.
Qaybtii hore ee kulankan waxaa lagu kala nastay Wolfsburg oo siweyn u gacan sareyso halka Dortmund ay jah wareer ku dhameesatay.
Markii la isku soo laabtay qaybtii labaad macalin Klopp ayaa xidigahiisa soo canaantay waxayna la imaadeen weerar dheeraad ah.
Weliba Reus, P. Aubameyang , Mikhtiryan ayaa fursado fiican heleen balse uma suura galin inay gool u badalaan.
Kooxda Wolfsburg ayaa cayaartay qaab weerar celis ku dheehan sidoo kalena daafaceeda ayay adkeesatay.
Ugu dambeyntii kulankan ayaa kusoo idlaaday 3-1 oo ay guusha ku raacday kooxda Wolfsburg madaama qaybtii labaad aan wax goolal ah la iska dhalin.
Kooxda Wolfsburg waxay ku guuleesatay koobka DFB Pokal markii ugu horeesay taariikhdeeda waxaana u suura gashay in magaceeda lagu qoro koobkan taariikhda weyn ku leh gudaha dalka Jarmalka.