Home » Europe » Champions League » Kooxdee Ayuu Kabtan Wayne Rooney La Doonayaa Iney Ku Guuleysato Caawa Koobka Champions League-ga?

Kooxdee Ayuu Kabtan Wayne Rooney La Doonayaa Iney Ku Guuleysato Caawa Koobka Champions League-ga?


Wayne+Rooney+Carlos+Tevez+Manchester+United+9y2PdL_qa3jl

Caawa magaalada Berlin ee dalka Jarmalka waxa ka dhacaya Finalka Koobka Horyaalada Yurub ee Champions League waxaana isku haya caawa kooxaha Barcelona iyo Juventus.

Kabtanka kooxda Manchester United Wayne Rooney ayaa bogiisa twitter-ka ku qeexay kooxda uu la doonayo iney ku guulysato koobka Horyaalada Yurub.

“Nasiib wacan asxaabteydii aan isku kooxda aheyn caawa, Patrice Evra iyo Carlito, kuwaas oo igula guuleystay koobkii Champions League-ga ee 2008″ ayuu bogiisa kusoo qoray kabtan Wayne Rooney.

Hadalka Rooney ayaa u muuqda mid uu taageero weyn ugu yahay caawa kooxda Juventus isagoo si xoog leh u taageeri doona saaxiibadiisii hore Evra iyo Tevez kuwaas oo ka mid ahaa wiilashii la qaaday koobkii Horyaalada Yurub sanadii 2008 ay ka qaadeen Chelsea final ka dhacay Ruushka.

Si kastaba Rooney ayaan taageerin saaxiibkiisii hore Manchester United Gerard Pique kas oo isna ka tirsan haatan Barcelona, Evra iyo Tevez ayaana ku weyn qalbigiisa.

Twitter Rooney

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>