Home » Maxaa Cusub » Koscielny Oo Seegi Doona Kulanka Hull City Iyadoo Wenger Uu Wajahayo Dhibaato Dhanka Daafaca Ah

Koscielny Oo Seegi Doona Kulanka Hull City Iyadoo Wenger Uu Wajahayo Dhibaato Dhanka Daafaca Ah


Koscielny

Daafaca reer France Laurent Koscielny ayaa seegi doona kulanka ay sabtida Gunners la ciyaari doonto kooxda Hull City waana mid ka mid ah dhibaatooyinka ugu xun ee Wenger kala soo darsa dhanka daafaca.

Koscielny ayaa ku biiraya liiska xidigaha dhaawaca kaga maqan kooxda Arsenal iyadoo laga saaray xulka France ee todobaadkaan kulamada la ciyaaray Portugal iyo Armenia.

Arsene Wenger horay ayuu dhibaato ugu qabay maqnaashaha Nacho Monrreal iyo Debuchy oo ka mid ah xidigaha ugu muhiimsan daafaciisa balse maqnaashaha Koscielny ayaa noqon doona mid dhibaato badan abuuri kara.

“Waqtigaan wey ku adag tahay inuu ciyaaro kulankaas, dhibaato dhaawac ah ayuuna la xanuunsanayaa” Ayuu Wenger u sheegay warbaahinta, “Waa inaan aaminaa waxa uu xidiga leeyahay, ma dareemayo inuu diyaar yahay mana ka qeyb qaadan doono kulanka sabtida” Ayuu mar kale yiri Wenger.

Dhanka kale Wenger ayaa la weydiiyay hadii dhaawaca Koscielny uu u baahan yahay qaliin iyo in kale wuxuuna carabka ku adkeeyay in xidigaan uusan u baahneyn qaliin isla markaana la marsiin doono tijaabo”

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>