Laacibka khadka dhexe kaga cayaaro kooxda Man City Fernando ayaa aaminsan in lasoo gaaray xiligii kooxda Chelseay dhibco dheeraad ah lumin laheyd Premiersip-ka England.
Inkastoo Chelsea weli xili cayaareedkan wax guuldaro ah la kulmin EPL sidoo kalena ay dhibco badan ka sareyso kooxaha ku awooda ah.
Hadana Fernando ayaa ku kalsoon in kooxdiisa ay Chelsea soo qaban karto wax walbo oo ay ku qaadato inta ka harsan xili cayaareedkan.
“Waan ognahay in horyaalka England uu yahay horyaal dhib badan, dabcan waa run Chelsea haatan waa kooxda ugu wanaagsan EPL balse midaas kama dhigno inay jawi wanaagsan isaga sii jiri doonto”
“Anagaba marar badan ayaan dhibaato la kulanay xili cayaareedkan waana ku faraxsanah ilaa haatan kaalinta aan taaganahay, madaama xili cayaareedka weli fari ka qodneyn waan hubaa in Chelsea markeeda siweyn u sibxan doonto!”
Waxaad moodaa in Fernando uu fahmay dagaalka dhanka maskaxda ah oo ay isku qaadaan macalimiinta iyo xidigaha Premiership-ka England sidaa darteed laacibka reer Brazil ayaa aaminsan in hadalkiisa kasoo yeeray uu ku sababi karo Chelsea inay qal qal sameyso kulamada ugu soo horeeyo EPL oo ay cayaari doonto.