Home » Maxaa Cusub » Kulankii U Dhaxeeyay Montenegro Iyo Russia Oo La Hakiyay Qeybihii Dambe Ee Ciyaarta, Sabab?

Kulankii U Dhaxeeyay Montenegro Iyo Russia Oo La Hakiyay Qeybihii Dambe Ee Ciyaarta, Sabab?


270FC33300000578-3015247-image-a-30_1427497155332

Kulan ka tirsan isreeb-reebka Euro 2016 ee u dhaxeeyay xulalka Montenegro iyo Russia ayaa la hakiyay qeybahii dambe kadib markii ay isku dhaceen ciyaartoyda labada xul ee ku suganaa garoonka.

Bilowgii ciyaarta goolhayaha Xulka Russia “Igor Akinfeev” ayaa laga saaray ciyaarta markii taageerayaal gadaashiisa ku sugnaa ay walxo madaxa kaga dhufteen.

Dhacdadaas ayaa dhowr daqiiqo hakisay ciyaarta, iyadoo labada ciyaartoy ay galeen qolka labiska, balse garsoroe Deniz Aytekin ayaa go’aansaday in dib loo bilaabo ciyaarta.

Si kastaba qeybtii labaad ee ciyaarta ayaa la isku soo laabtay, Russia ayaa lagu abaalmariyay rigoore, balse waxaa ka qasaariyay Roman Shirokov.

Isku dhac ciyaartoyda ah ayaa ka aloosmay garoonka, iyadoo garsooraha uu si toos ah u joojiyay ciyaarta, waxaana ciyaarta lagu hakiyay daqiiqadii 68-aad.

Xiriirka UEFA ayaa go’aan kasoo saari doona kulankaan, iyadoo laga yaabo in ganaaxyo ay ka dhacaan taasoo ay muteysanayaan labada dhinac.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>