Home » Horyaalada » italian Serie A » La Gazzetta dello Sport: Roberto Mancini Oo Heshiis La Galay Inter Milan

La Gazzetta dello Sport: Roberto Mancini Oo Heshiis La Galay Inter Milan


Mancini

La Gazzetta dello Sport ayaa aaminsan in macalinkii hore Inter Milan uu dib ugu soo laabanayo garoonka Sansiro isagoo maamuli doona kooxda Inter mar kale madama shaqadii tababaranimo laga raacdeeyay Walter Mazzarri.

La Gazzetta dello Sport sidoo kale waxey shaacisay inuu jiray heshiis hore oo ay gaareen maamulka Inter Milan iyo macalin Roberto Mancini kaas oo gaaraya laba sanadood iyo bar.

Inkastoo aan wali la xaqiijin warkaan isla markaana maamulka Inter Milan aysan soo hadal qaadin hadana La Gazzetta dello Sport ayaa si hordhac ah u sheegeysa in 49-jirkaan reer talyaani uu qaban doono Inter Milan, heshiiskaas oo ku ekaan doona ilaa June 2017.

La Gazeetta dello Sport sidoo kale waxey daaha ka rogtay in heshiiska uu saxiixa Mancini uu dhacay shalay oo khamiis aheyd isla markaana kooxda ay saxaafada usoo bandhigi doonto sabtida.

Ugu dambeyntii warbixinta waxey intaas ku dareysaa in kooxda Inter Milan ay qorshahaan waday tan iyo bilowga xili ciyaareedkaan taasoo loo sababeeyay in Mancini uu iska diiday shaqadii xulka Italy ee loo soo bandhigay kal hore.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>