Sida ay sheegayaan warbixino ka imaanaya dalka talyaaniga kooxda Juventus ayaa heshiis afar sano ah la galeysa Edinson Cavani iyadoo kula saxiixaneysa 22 Malyan Oo Pound.
Xidigaan reer Uruguay ayaa si ba’an loola xiriirinayay kooxaha Arsenal, Man United iyo Liverpool basle La Gazzetta dello Sport ayaa ku warantay in xidigaan uu ku faraxsan yahay ku biiritaanka kooxda heysata horyaalnimada talyaaniga ee Juventus.
Shalay ayey aheyd markii aabaha dhalay xidigaan uu qiray in Cavani uu la kulmi doono maamulka Juventus si uu xidigaan ugu biiro iyadoo sidoo kale Cavani uu ka dhawaajiyay inuu jecel yahay ka hayaamida garoonka Parc des Princes.
Sida la fahamsan yahay heshiisyo ayaa dhexmari doona kooxaha PSG iyo Juventsu madama Paul Pogba ay si aan caadi aheyn u dooneyso PSG waxaana suuragal ah in Juve ay xidigaan ka iibiso kooxda Laurent Blanc.
Ugu dambeyntii Juve ayaa sidoo kale dooneysa iney Javier Pastore kala soo saxiixato kooxda Paris, mana la oga sheekada dhexmari doonta labadaan kooxood.