Sheekada la xiriirta in goolhaye Petr Cech uu ku biirayo Arsenal ayaa jamaahiirta kooxda ku noqotay sheakadii Alfu-Leyl-Waleyl, taasoo ka dhigan iney sugi la’yihiin sheekadaan aan wali kala cadaan ee saxaafadana ay aadka u hadal hayaan.
Sida ay qortay Sky Sports kooxaha Chelsea iyo Arsenal ayaa ku heshiiyay qiimo dhan 10.9 Malyan Oo Pound, halka sidoo kalana ay warbixinteeda ku dartay in Cech uu heshiis shaqsi ah la gaaray kooxda waqooyiga London ka dhisan iyagoo isbuucii siinaya aduun dhan 100,000 kun oo pound taasoo ka dhigeysa goolhayihii ebid ugu mushaarka badnaa kooxda.
Sidoo kale shalay ayey saxaafada Ingiriiska qortay in Petr Cech uu caafimaadka u marayo kooxda Arsenal, balse Starsports ayaa qortay maanta in xidigaan heerka caalami uu si rasmi ah uga mid noqon doono Arsenal maalinimada Isniinta ah isla markaana ay Gunnes ku dhawaaqi doonto saxiixa xidigaan heerka caalami.
33-jirkaan u dhashay dalka Czech Republic wuxuu kooxda Blues ku sugnaa 11-sanadoo, isagoo 2004 kaga soo biiray Renne.
Si kastaba imaatinka Petr Cech wuxuu halis galinayaa mustaqbalka goolhayaha xulka Colombia David Ospina kaas oo aan dooneyn inuu dooqa labaad u noqdo Cech oo Arsenal kula balamay inuu doonayo boos joogto ah.
Ugu dambeyntii Petr Cech wuxuu soo gaari doonaa London Cloney maalinimada Isniinta ah isagoo xiran doona maaliyadda Gunners.