Home » Maxaa Cusub » LA STAMPA: Juventus Oo Badalka Paul Pogba U Aragta Oscar Madama Ay Dardar Galisay Qiimeyntiisa

LA STAMPA: Juventus Oo Badalka Paul Pogba U Aragta Oscar Madama Ay Dardar Galisay Qiimeyntiisa


Oscar and Pogba

 

Juventus ayaa dardar galineysa xaalada ay ku dooneyso xidiga reer Brazil ee kooxda Chelsea OSCAR kaas oo ay la dooneyso inuu buuxiyo booska uu baneyn doono Paul Pogba.

Juventus ayaa ka cabsi qabta iney weyso Paul Pogba oo ay saf ugu jiraan in ka badan shan kooxood oo ka mid ah kuwa ugu waweyn yurub waxeyna diirada saareysaa sidii ay ku heli laheyd Oscar.

Heshiiska Uu Oscar kula jiro Chelsea wuxuu dhamaanayaa 2019, balse xidigaan ayaa sii luminaya kalsoonida macalin Jose Mourinho.

Sida ay sheegtay jariiradda La Stampa, Agaasimaha ciyaaraha Juventus ninka lagu magacaabo Fabio Paratici ayaa tagay London isbuucaan wuxuuna soo daawaday kulankii ay Emirates ku yeesheen xulalka Chile iyo Brazil.

Ugu dambeyntii Juventus waxey OSCAR u arkaan badalka saxda ah ee xidigaan reer France, inkastoo aysan ku niyad sameen iney waayaan balse waxaa jirta cabsi la xiriirta kooxaha lacagaha badan la wareegaya suuqa kala iibsiga ciyaartoyda.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>