Home » Horyaalada » La Liga Spain » Laacibka Real Madrid James Rodriguez Iyo Noloshiisa Gaarka Ah Maxaa Kala Socotaa (+Sawiro)

Laacibka Real Madrid James Rodriguez Iyo Noloshiisa Gaarka Ah Maxaa Kala Socotaa (+Sawiro)


James

James Rodriguez waa 23-jir hadana ay riyadiisa u rumowday asigoo aad u dhalin yar waayo xidigan xagaagii aan kasoo gudubnay koobkii aduunka ayuu wacdaro ka dhigay haatana wuxuu ka tirsan yahay naadiga ugu guulaha badan qaarada Yurub Real Madrid.

Waxaad moodaa James inuu socdo xawaare aad u sareeyo sidaa darteed waa suurta gal maan gal ah in xidigan mustaqbalka dhow uu noqdo laacibka aduunka ugu wanaagsan.

Balse maanta waxaan si gaar ah uga hadli doonaa noloshiisa gaarka ah ee aan waxbadan laga ogeyn, fadlan hoos kaga bogo:

James wuxuu ku dhashay xafaada Cúcuta, ee ka tirsan magaalada Jbague ee dalka Colombia wuxuuna kusoo bar baaray magaaladan qadiimiga ah, xidigan sanadii 2006 waxaa fursad qaali ah siisay Envigado FC oo xiligaas heerka labaad ahayd madaama uu si rasmi ah uga mid noqday.

James durbadiiba kuma waaran kooxdan wuxuuna usoo guuray dalka Argentina sanadii 2008 asigoo ku biiray kooxda Club Atlético Banfield, mudo labo sano kadib qaarada Yurub ayuu usoo talaabay wuxuuna u biiray kooxda FC Porto sanadii 2010.

Madaama uu xawli sare ku socday hadana kooxda Monaco ayuu laacibkan usoo dhaqaaqay waxayna ku iibsatay  €45 million, balse isla xagaagan Real Madrid ayaa laacibkan tayada wanaagsan kusoo iibsatay  €75M.

James waxaa u dhaxdo gabadha lagu magacaabo Daniela Ospina, waxana la dhalatay goolhayaha xulka Colombia David Ospina kana tirsan kooxda Arsenal.

Labadan lamaane tan iyo sanadii 2011 ayay isla noolaayeen waxayna u joogto gabar yar oo lagu magacaabo Salome taasi oo dhalatay 29 May 2013.

Daniela Ospina waa 22-jir waxayna aad ugu faraxsan tahay nolosha ay la qaadaneyso saaxiibkeeda Jame soo ay ku tilmaantay shaqsi aad u dagan sidoo kalena dabeecad wanaagsan.

Daniela Ospina sidoo kale waa gabar cayaarto Volleyball-ka waxayna marwalbo jeceshahay inay cayaaraha fudud ku dhex jirto si jirkeeda uu caafimaad u dareemo.

Daniela ayaa dhawaanahan caan ka noqotay goobaha ay bulshada ku sheekeestaan madaama uu seygeeda yahay James waxay soo jiitay shacbiyad balaaran dhanka Twitter-ka ayadoo haatan ku leh 21,000 uu taageero ah!

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>