Home » Maxaa Cusub » Laacibka Chelsea Willian Iyo Noloshiisa Gaarka Ah Maxaa Kala Socotaa (+Sawiro)

Laacibka Chelsea Willian Iyo Noloshiisa Gaarka Ah Maxaa Kala Socotaa (+Sawiro)


chelsea_v_stoke_goal_willian_fingers_02.jpg

Willian Borges da Silva, wuxuu dhashay 9 August 1988, waa laacib ka tirsan xulka Brazil sidoo kalena khadka dhexe kaga cayaaro naadiga Chelsea, wuxuu ka mid yahay xidigaha ugu tayada wanaagsan Premier League England sidoo kalena kaalin muuqato ayuu ku dhex leeyahay kooxdiisa Chelsea.

Balse maanta waxaan si gaar ah uga hadli doonaa noloshiisa gaarka ah madaama aan waxbadan laga ogeyn, Willian waxaa u dhaxdo gabadha lagu magacaabo Vanessa Martins, waxayna labadan mataane si rasmi ah u aqal galeen sanadii 2011.

Markii ay labadan lamaane is guursanayeen waxay kala jireen 29-sano iyo 23-sano, haatan anessa Martins waa 31-jir halka Willian uu isaga jiro 25-sano.

Labadan lamaane noloshoosa sida ugu dhaqsiyaha badan waxaa kusoo biireen labo mataane ah waayo Vanessa waxay dhashay Febraayo 9, 2012 labo gabdhood oo mataano ah waxaana gabdhahaas la kala dhahaa Manuella iyo Valentina.

Vanessa Martins iyo labadeeda gabdhood haatan waxay ku faraxsan yihiin nolosha ay kula qaadanayaan Willian galbeedka magaalada London sidoo kalena qoyskan xiliyada fasaxa waxay dib ugu laabtaan dalka Brazil si ay cimilada diiran ee Koonfur Ameerika ugu soo raaxeestaan.

Dhawaan Vanessa Martins waxay ka dhawaajisay in iyada iyo qoyskeeda ay aad ugu faraxsan yihiin nolosha magaalada London madaama sanadihii dhawaa ay ku dhibaatootay cimiliada qabo ee Bariga Yurub waayo Willian wuxuu ka cayaari jiray horyaalada Ukraine iyo Russia ka hor inta uusan Chelsea kusoo biirin sanadkii hore.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>