Kooxaha Manchester City iyo Chelsea ayaa indha indheynaya xaalada daafaca kooxda Real Madrid Kilper Pepe kadib markii wadahadaladii heshiiska loogu kordhinayay aysan u shaqeyn sidii la filayay.
Macalinka cusub ee Real Madrid Rafael Benitez ayaa doonaya inuu fursad siiyo Raphael Varane isagoo ku xoojinaya daafaca Madrid xagaaga, soo aadan mana doonayo inuu go’aan ka gaaro mustaqbalka Pepe tan iyo inta uu ka qiimeynayo xaalada daafacan da’da yar ee Faransiiska.
Xidigaan reer Portugal waxaa qandaraaskiisa kaga dhiman 12-bilood, wuxuuna xor kaga tagi karaa dhamaadka xagaaga soo aadan.
Si kastaba labadaan kooxood ee kaalmaha kow iyo laba ka kala galay Horyaalka Ingiriiska ayaa ku dagaalamaya saxiixa xidigaan heerka caalami ee xulka Portugal.
Ugu dambeyntii Pepe mustaqbalkiisa kama uusan hadlin mana jiraan heshiis cusub oo uu kooxda u saxiixay walow ay afka ka heshiiyeen kooxdiisa.