Home » Maxaa Cusub » Laba Ka Mid Ah Xidigaha Arsenal Ugu Muhiimsan Oo Shaki La Galinayo Iney Saftaan Kulanka Southampton

Laba Ka Mid Ah Xidigaha Arsenal Ugu Muhiimsan Oo Shaki La Galinayo Iney Saftaan Kulanka Southampton


Gibbs and Monreal

Iyadoo Arsenal ay ku jirto bilow xun marka loo barbardhigo xili ciyaareedyadii lasoo dhaafay madama ay haatan ku jirto booska 6-aad ee kala horeynta horyaalka hadana dhaawacyada ayaa kusii badanaya xili ay wajaheyso kooxda Southampton oo booska sadexaad ka fadhisa horyaalka.

Daafacyada lugta bidix ku ciyaara ee Kieron Gibbs iyo Nacho Monreal ayaa labaduba shaki la galinayaa iney saftaan kulankaan kadib markii xidigahaan ay dhibaato soo gaartay kulankii ay guusha dirqiga ah ka gaareen West Bromwich Albion todobaadkaan.

Daafaca bidix ee reer Spain Nacho Monreal ayaa dareemay xanuun daran, waxaana lagu badalay qeybta hore ciyaarta Kieron Gibbs oo isna dhibtoonaa markii ay jug soo gaartay kulankii Champions League-ga ee Dortmund, balse West Brom ayaa kusii adkeysay xanuunkii uu qabay xidigaan.

Si Kastaba Wenger ayaan si toos ah uga hadlin xaalada labadaan xidig balse waxaa shaki la galinayaa iney qeyb ka noqdaan kulankaas dhici doona Arbacada.

Maqnaashaha Debuchy, Gibbs iyo Monreal ayaa daafaca Arsenal ka dhigi karta mid daciif ah hadiiba labadaan xidig ay seegaan kulankaan inkastoo Laurent Koscielny oo mudo garoomada ka maqnaa uu soo laabtay.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>