Inkastoo Xavi Hernandez Iyo Iker Casillas ay dhawaan La Ligaha Spain isaga hayaameen hadana dowlada Spain ayaa go’aan ku gaartay inay labadan xidig abaal marin caalami ah la gudoonsiiyo madaama ay dalka wax usoo qabteen.
Abaal marinta Grand Cross for Sporting Merit ee mida ugu sareyso ee la siiyo muwaadin Spain ah ayaa Iker iyo Xavi la siin doonaa.
Golaha wasiirada Spain ayaa kulankoodii ugu dambeeyay isku waafaqeen in labadan xidig dadaalkooda lagu abaal mariyo.
Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Spain Soraya Saenz de Santamaria ayaa arinkan xaqiijiyay wuxuuna yiri “Waxqabadka Iker iyo Xavi waa mid caalamka oo idil laga wada ogyahay”
“Kubada cagta heerkii ugu sareesay ayay ka gaareen sidoo kalena jiilanka Spian ayya kubada bareen waxayna ka qayb qaateen hormarinta cayaaraha iyo nolosha dadka Spain sanado badan”
Casillas ayaa Real Madrid mudo 25-sano ah ka tirsana sidoo kalena ruug cadaa Xavi waa xidiga ugu safashada Barcelona asigoo u cayaaray 768-kulan oo caalami ah.
Labadan xidig kaaliin lixaad leh ayay ka qaateen guulaha ay xulka Spain ka gaaree tartamada caalamiga ah sida Euro 2008, FIFA World Cup 2010 iyo Euro 2012.
Balse markale laguma sii arki doono La Ligaha madaama Casillas uu ku biiray FC Porto halka Xavi uu isagana u haayamay naadiga Al Sadd ee ka dhisan dalka Qatar.