Sergio Ramos iyo Paul Pogba waa labada xidig ee xagaagan loogu doonista badan yahay sidoo kalena lacago aad u sareeyo ayaa xidigahan lagu rabaa.
Balse kooxaha ay ka kala tirsan yihiin ayaa si rasmi ah shaaca kaga qaadeen in xidigahan awooda badan aysan xagaagan fasixi doonin.
Warbixin cusub oo xarunta naadiga Juventus kasoo baxday ayaa lagu sheegay in Paul Pogba uusan beec ahayn xagaagan.
Agaasimaha Juventus Giuseppe Marotta ayaa arinkan xaqiijiyay wuxuuna yiri “Naadi walbo oo dooneyso Pogba waa inay anaga nala soo xariiraan balse ma ahan wakiilkiisa inay la hadlaan”
“Sidaa darteed Pogba beec ma ahan mana bixi doono xagaagan!”
Dhanka kale macalinka kooxda Real Madrid Rafeal Benitez ayaa dhankiisa xaqiijiyay in Sergio Ramos uusan Madrid ka tagi doonin xagaagan.
Macalinkan waaya araga ah ayaa sheegay inuu Ramos kulan la qaatay sidoo kalena ay ka wada hadleen sidii ay u wada shaqeyn lahaayeen.
Maamulka Real Madrid ayaa hadalka Benitez ayideen waxayna xaqiijiyeen in daafacan uusan beec ahayn sidoo kalena dhawaan laga dhigi doono kabtanka kowaad ee kooxda.