Chelsea 7-kulan oo ay cayaartay EPL waxay guuleesatay 6-ka mid ah sidoo kalena haatan kooxdan waa hogaamiyaasha horyaalka England, balse labo ka mid ah xidigaha ugu muhiimsan Blues ayaa iskooro dheeraad ah sameyn karaan xili cayaareedkan.
Waxayna labadaas xidig kala yihin Diego Costa iyo Cesc Fabregas labada xidig ee reer Spain awood dheeraad ah ayay EPL ku qabsadeen xili cayaareedkan.
Costa wuxuu noqday cayaaryahankii ugu horeeyay bilaawga EPL 9-gool ku dhaliyo 7-kulan sidoo kalena xidigan 65-daqiiqo kasto wuxuu dhalinaayay gool, hadii uu sidaan kusii socdo waa hubaal iskoor cusub oo dhanka dhalinta ah ayuu Premiership-ka kusoo kordhin doonaa.
Cesc isagana wuxuuna noqday cayaaryahankii ugu horeeyay ee 6-kubadood oo xariir ah baaso Premiership-ka England, kubad sameeyahan ilaa haatan 7-kubadood ayuu dhiibay waxaana xusid mudan in Steven Gerard oo sanadkii hore EPL ugu dhiibis badnaa inuu baasay 14-kubadood!
Dabcan Cesc iskoor cusub oo dhanka kubad dhiibista ah ayuu sameyn karaa xili cayaareedkan!
ridwan oscar
13-October-2014 at 11:23 am
waan filayayey in iib ka labadan ciyaar yahan lagu faa`idi doono sanadkan marka la eego awoodayada nagu ma filna labadan score lkn waxaan u baahananay best EPL inuu qaato hazard oscar na sidoo kale shaxda sanadka galo league-na aan qaadno ………………………………………………….
don`t surprise what i,m saying huuno s u when the season become complete…………..
abdi kadir
13-October-2014 at 6:02 pm
woooow fabegas insha alah sanadkan wuxuu caawin doonaa inkabadan 50 gool costana wuxuu dhalin doonaa 45 gool cajiib