Home » Maxaa Cusub » Lallana, Gerard Iyo Henderson Oo Liverpool Ka Caawiyeen Inay Naadiga Leicester Gudbaan

Lallana, Gerard Iyo Henderson Oo Liverpool Ka Caawiyeen Inay Naadiga Leicester Gudbaan


Steven

Kooxda Liverpool ayaa gaartat labo guul oo xariir ah Premiership-ka England kadib markii ay kooxdan 2-1 kaga badisay naadiga Leicester oo ah kooxda ugu hooseyso EPL.

Macalin Brenden Rodgers iyo kooxdiisa ayaa usoo safreen Bariga England ayagoo isku kalsoon madaama ay bilawgii todobaadkan guul muhiim ah ka heleen naadiga Stoke City.

Sidoo kale tababare Rodgers ayaa kulankan kusoo bilaabay kabtan Gerard oo kulankii ugu dambeeyay Line Up-ka Liverpool laga reebay.

Kulankan xiisaha badan kooxda Leicester ayaa gool la hormartay daqiiqadii 22-aad waxaana kubada iska dhaliyay goolhaye Mignolet oo nasiib xumo ay madaxa kaga dhacday kubad uu soo laaday Ulloa.

Adam Lallana ayaa durbadiiba farxada Liverpool dib usoo celiyay madaama uu cayaarta 1-1 ka dhigay daqiiqadii 26-aad xidigan ayaa dhaliyay kubad laad xoogan oo joos hoose ku socotay kadib markii uu lugta bidix la helay.

Qaybtii hore 1-1 ayaa lagu kala nastay waxayna ahayd nasiino ay u baahnaayeen labadan koox si macalin walbo uu xidigahiisa kala hadlo qaladaadkii ay galeen.

Markii la isku soo laabtay kooxda Leicester ayaa dar dar lasoo gashay waxayna heshay koornooyin badan daqiiqadihii ugu horeeyay ee qaybtii labaad.

Balse kabtan Steven Gerard ayaa Liverpool u dhiibay hogaanka xili ay u baahneed daqiiqadii 54-aad wuxuuna ka helay fursad qaali ah kadib markii daafaca Leicester ay banaana usoo dhigeen Steven isagana cag xoogan ayuu shabaqa ku hubsaday.

Liverpool ayaa cadaadis xoogan dareentay balse Gerard ayaa rigoore laga diiday sidoo kalena kooxda Leicester 10-cayaaryahan ayay noqdeen kadib markii kaarka cas la siiyay Morgan oo daafaca dhexe ka cayaaro.

Jordan Henderson ayaa soo gaba gabeeyay kulankan madaama uu ka dhigay 3-1 daqiiqadii 31-aad wuxuuna xidigan dhaliyay kubad aad u qurxoon weliba baas cirib lagu dhiibay ayuu ka helay Raheem Sterling.

Inkastoo kulankan 6-daqiiqo lagu daray hadana Liverpool ayaa guusha ku qaadatay 3-1 taasi oo ka dhigan in Reds haatan ay dib ugu soo laabatay wadada guusha madaama labo kulan oo xariir ah ay guuleesatay.

Liverpool ayaa haatan kaalinta 8-aad soo gaartay dhanka kala horeynta EPL sidoo kalena kooxdan waji wanaagsan ayay ku bilaawday bishan December oo ay Reds cayaari doonto kulamo xariir ah oo aan kala go’lahayn.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>