Madrid Derby ayaa isku badalay kulan hal naadi ku awood badneed min bilaaw ilaa dhameed madaama kooxda Atletico Madrid ay guul aad u weyn ka heshay kooxda ay deriska yihiin Real Madrid.
Kulankan xiisaha badan 4-0 ayay Atletico Madrid guusha ku qaadatay waxaana intaas sii dheer in Real Madrid cayaartan ciil lagu dalay sidoo kalena dhulka lagu jiid jiiday madaama si walbo looga awood badnaa.
Qaybtii hore ee kulan wuxuu gaar u ahaa kooxda Atletico Madrid oo soo bandhigtay kubad karti ku dheehan waxayna Real Madrid u muuqatay naadi aan xamili karin cadaadiska Derbiga sababay.

Macalin Carlo Ancelotti ayaa gar waaqsaday in dhan walbo kulankan looga fiicnaa waxaana dhacday wixii uu ka baqaayay madaama Atletico ay heshay goolkii ay u baahneed daqiiqadii 14-aad waxaana u dhaliyay ruug cadaa Tiago wuxuuna dhaliyay kubad joog hoose ku socoto oo uu qalad ku lahaa goolhaye Casillas sidoo kalena Mario Mandzukic ayaa caawinaad ka geestay.

Real Madrid oo aan weli kasoo kabanin goolkii looga naxsaday ayaa markale lasii ciqaabay madaama uu cayaarta 2-0 ka dhigay Saul Niguez oo dhaliyay kubad uu labada lugood lahelay wuxuuna dhaliyay gool aad u qurxoon daqiiqadii 18-aad.
Saul ayaa badalay kusoo galay kulan wuxuuna daqiiqadii 10-aad badalay Koke mana uusan ku fikirin xidigan inuu gool taariikhi ah ka dhalin doono kulankan Derbiga ah.
Xidigaha Real Madrid uma suura galin qaybtii hore inay wax fursad ah abuuraan weliba goolhayaha Atletico Montoyo wax kubad ah ma uusan bad baadinin!
Qaybtii hore 2-0 oo ay Atletico ku horkaceeso ayaa lagu maray wuxuuna kulankan ahaa mid hal naadi ku gacan sareesay.
Macalin Carlo Ancelotti wuxuu badalay Sami Khedira oo kulankan ku wareeray wuxuuna kusoo badalay bilawgii qaybta labaad xidiga dhalinta yar Jese Rodriguiz.
Balse qaybtii weli Atletico ayaa ku gacan sareesay hadii uusan goolhaye Casillas ahaan laheyn cayaarta 3-0 waxaa ka dhigi lahaa Griezmann daqiiqadii 59-aad balse fursadii uu helay waa laga celiyay.

Sidii la wada filaayay Atletico ayaa hogaanka sii dheeraasatay waxaana cayaarta 3-0 ka dhigay Antoine Griezmann daqiiqadii 67-aad asigoo caawinaad ka helay Saul.
Macalin Ancelotti ayaa dareemsay in kooxdiisa dhanka khadka dhexe laga heesto wuxuuna badalay Isco daqiiqadii 68-aad asigoo soo galiyay Asier Illarramendi.
Fernando Torres ayaa badal kusoo galay daqiiqadii 77-aad wuxuuna badalay Griezmann markii uu Toress soo galay garoonka siweyn ayaa loogu sacabo tumay.

Cristiano Ronaldo, Bale iyo Benzema ayaa awoodi waayeen inay kubada is gaarsiiyaan waxayna u ahayd sedexdaan xidig kulan ay aad u dhibsadeen.
Ugu dambeyntii Benzema ayaa la badalay waxaana booskiisa soo galay Javier Hernandez, xidiga reer France asigoo niyad jabsan ayuu garoonka ka baxay.

Jabka Real Madrid ku dhacay ayaa faraha ka baxay madaama Mario Mandzukic uu cayaarta ka dhigay 4-0 daqiiqadii 89-aad xidigan ayaa madaxa ku dhaliyay kubad qurxoon oo uu dhanka midig kasoo karoosay Torres.
Garoonka Vicent Calderan ayaa buuq iyo qeyli isku badalay madaama taageerayaasha Atletico Madrid ay farxad darteed afka kala furteen waxayna u arkeen fursad qaali ah oo ay dhulka ugu jiidi karaan kooxda ay xifaaltamaan.
Ugu dambeyntii Atletico ayaa 4-0 guusha ku qaadatay waxayna garoonka ka baxeen Real Madrid ayagoo ceebeesan madaama dhawaanahan la arkin kulan Madrid Derby ah ooh al naadi si qaas ah ugu awood badan tahay.
Atletico Madrid haatan 6-kulan ee ugu dambeesay oo ay la cayaartay dhigeeda Real Madrid wax guul daro ah ma aysan arkin.
Natiijadan waxay ka dhigan tahay in haatan loolanka La Ligaha uu naadi walbo u furan yahay madaama Atletico 4-dhibcood haliya dhigeeda Real Madrid ka sareyso.