Home » Horyaalada » italian Serie A » Lama Filaan Inter Milan Oo Halyee Didier Drogba Ka Hor Istaagi Rabto Inuu Waqooyiga Ameerika U Dhaqaaqo

Lama Filaan Inter Milan Oo Halyee Didier Drogba Ka Hor Istaagi Rabto Inuu Waqooyiga Ameerika U Dhaqaaqo


Drogba

Ruug cadaa Didier Drogba kooxo badan oo ka dhisan Waqooyiga Ameerika ayuu wada hadalo kula jiraa waxaana siweyn loo sadaalinaa inuu MSL-ka Mareekanka ka shaqo gali doono.

Balse warbixin cusub ayaa lagu sheegay in weeraryahankan uu dalab ka helay macalin Roberto Mancini sidoo kalea lagu qal qaalinaayo inuu kooxda Inter Milan ka mid noqdo.

37-jirkan wuxuu taageero buuxda ka heestaa macalin Roberto Mancini sidaa darteed shabakada Mirror ayaa sadaalineyso inuu Drogba qaarada Yurub baaqi kusii ahaan doono sidoo kalena uu dalabka Inter aqbali rabo.

Inkastoo la islahaa Drogba wuxuu MSL-ka Mareekanka kula midoobi doonaa labada halyee Steven Gerrard iyo Frank Lampard hadana xidigan maskaxdiisa ayuu badali rabaa madaama Inter rabitaan dhab ah u muujisay.

Drogba tartan walbo oo qiimo leh wuxuu kula guuleestay kooxda Chelsea asigoo horey kaga balan qaaday inuusan naadi Ingiriis ah u cayaari doonin balse xidigan diyaar ayuu u yahay inuu Serie A-da Talyaaniga ka xamaasho.

Inter Milan ayaa weeraryahankan awooda badan usoo bandhigtay 12-bilood heshiis ah balse weli mushaarka la siin lahaa lagama wada hadlin inkastoo Drogba loo balan qaaday inuu door muuqdo ku yeelan doono garoonka San Serio.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>