Sida ay qoreen warbaahinta Ingiriiska maanta kooxaha Liverpool iyo Arsenal ayaa laga yaabaa iney ku heshiiyaan heshiis is weydaarsi ah oo ku aadan Walcott iyo Sterling marka uu furmo suuqa kala iibsiga ciyaartoyda.
Labadaan xidig ayaa si ba’an loola xiriirinayay mudooyinkii lasoo dhaafay iney ka hayaami doonaan kooxahooda, balse Daily Star ayaa qirtay in Rodgers iyo Wenger ay u furan tahay heshiis isku badalasho ah.
Inkastoo ay tahay wax adag hadana Liverpool ayaa Sterling ku qiimeysay 20 Malyan Oo Pound wuxuuna xidigaan dib ugu laaban doonaa London hadii sheekada dhamaato madama uu QPR horay ugu soo ciyaaray.
Sidoo kale Walcott oo ka walwalsan booskiisa Arsenal ayaa isna u boqooli doona gobolak Merseyside halkaas oo uu ka heli doono boos joogto ah.
Walcott heshiiska uu kooxdiisa kula jiro waxaa kaga haray hal sanadood halka Sterling ay laba sanadood uga hartay, waxaase macquul noqon karta in ka hor dhamadka heshiiskooda ay labada maaliyadood kala xirtaan.