Home » Horyaalada » italian Serie A » Lama Filaan Robin van Persie Oo Qiimo Jaban Ku Aadi Rabo Naadiga SS Lazio!!

Lama Filaan Robin van Persie Oo Qiimo Jaban Ku Aadi Rabo Naadiga SS Lazio!!


RVP

Weeraryahanka reer Holland Robin van Persie ayaa la sheegay inuu qarka u saran ku biirada kooxda SS Lazio kadib markii dalabka naadiga reer Talyaani xidigan ku qancay.

Wargeska Il Messaggero ayaa sheegay in RVP iyo Lazio ay heshiis wada gaareen sidoo kalena Lazio xidigan waaya araga ah ku qaadan rabto £10m waxaana la sheegay in Man United ay dalabkan aqbashay.

Sidoo kalena warbixintan waxaa lagu sheegay in Van Persie uu diyaar u yahay inuu heshiis 4-sano ah u saxiixo kooxda ku cayaarto Stadio Olimpico.

RVP mustaqbalkiisa ma xalisno madaama ay Man United sheegtay inay xidigan fasixi doonto xagaagan hadii uu naadi dalab ka waayana uu albaabka Old Traffod u yahay inuu baaqi kusii ahaado.

Sidoo kale kooxaha Juventus iyo Galatasaray ayaa Van Persie lala xariirinaaayay balse 31-jirkan qorsha kooxda Lazio ayuu ku qancay.

Sidaa darteed Lazio ayaa ku guuleesatay loolanka loogu jiro saxiixa xidigan waaya araga ah waxayna shaaca ka qaadi doontaa maal maha nagu soo fool leh.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>