Home » Maxaa Cusub » Lama Filaan Xidiga Chelsea Flop-ka Ka Noqday Juan Cuadrado Oo Dalab Ka Helay Kooxda Barcelona

Lama Filaan Xidiga Chelsea Flop-ka Ka Noqday Juan Cuadrado Oo Dalab Ka Helay Kooxda Barcelona


Cuadrado

The Metro ayaa sheegay in Juan Cuadrado uusan wax walaac ah ka qabin mustaqbalkiisa cayaareed inkastoo uu ku guul dareestay inuu kooxdiisa cusub Chelsea la qabsado.

Hadaba wargeskan ayaa shaaca ka qaaday in laacibka reer Colombia uu dalab ka helay kooxda Barcelona waxayna ku dooneysaa £24.8m.

Barcelona waxay xidig awooda badan ku raad joogtay markii uu naadiga Fiorentina ka tirsanaa waxayna dooneysaa inay ka cayaarsiiso garabka midig ee daafaca ama khadka dhexe.

Chelsea waxay 26-jirkan kusoo iibsatay £23m bilawgii sanadkan balse qiimahiisa wuxuu Chelsea ku gaari doonaa ilaa £28m madaama lacago dheeraad ah Fiorentina laga balan qaaday.

Balse xidigan wuxuu ku guul dareestay inuu la qabsado Premiership-ka waxaana u suura gashay in kaliya sedex kulan oo horyaalka ka tirsan lagu soo bilaabo.

Kooxda Barcelona ayaa dooneyso inay xagaagan Cuadrado heshiis la gaarto balse bilawga sanadka dambe ayay si toos ah u qaadan doontaa wuxuuna mudada lixda bilood ah lasii joogi doonaa kooxdiisa Chelsea.

Macalin Luis Enrique ayaa taageero weyn u ah xidigan wuxuuna doonayaa inuu ka faa’iideesto qaabka uu kubada u raacdo iyo kartida uu leeyahay xidigan naadiga Fiorentina sanado badan waqtiga wanaagsan lasoo qaatay.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>