Home » Maxaa Cusub » Laurent Blanc Oo Xaqiijiyay In Kooxdiisa Paris Saint Germain Ay Ku Dhawdahay Saxiixa Angel Di Maria

Laurent Blanc Oo Xaqiijiyay In Kooxdiisa Paris Saint Germain Ay Ku Dhawdahay Saxiixa Angel Di Maria


laurent_blanc_2238753b

Tababaraha kooxda kubada cagta Paris Saint Germain Laurent Blanc ayaa shaaca ka qaaday in kooxdiisa ay qarka u saaran tahay iney soo xerogliso garabka Man United Angel Di Maria.

Xidigaan reer Argentina ayaa si ba’an loola xiriirinayay kooxda ku ciyaarta garoonka Parc des Princess inkastoo uu xagaagii dhamaaday bilowgiisii uu Old Trafford ku yimid aduun dhan 59.7 Malyan Oo Pound, wuxuuna noqday saxiixii ugu qaalisanaa ebid ay soo iibsato koox ka dhisan dalka Britan.

Angel Di Maria wuxuu ku fashilmay inuu la qabsado horyaalka Ingiriiska waxaana haatan la hadal hayaa inuusan ku sii nagaan doonin kooxdan.

Kadib dhamaadkii kulankii ay Paris Saint Germain guusha ka gaartay Manchester United xalayto ayuu Laurent Blanc yiri:

“Man United iyo PSG waa laba kooxood oo waaweyn, wadahadalka waa dhib balse waan ku dhawnahay inaan dhameyno”

Si kastaba Paris Saint Germain waxey gudbisay dalab 28.5 Malyan Oo Pound, waana qiimo aan u qalmin oo qasaaro xoog leh galin kara kooxda Louis Van Gaal.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>