Sida ay tilmaamayaan warbixino ka imaanaya dalka faransiiska kooxda Paris Saint Germain ayaa bartilmaameed ka dhiganeysa xidiga Juventus weerarka uga ciyaara ee Carlos Tevez.
Xidigaan reer Argentina ayaa qaab qurux badan haatan kasoo bandhigaya horyaalka Serie A-da wuxuuna haatan yahay gooldhaliyaha ugu sareeya Juve, balse hamigiisa waa inuu ku laabto Boca Junior marka uu dhamaado heshiiska uu kooxdiisa kula jiro oo ku eg June 2016.
Wargeyska Le Parisien la yiraahdo ayaa shaaciyay in Paris Siant Germain ay u dhaqaaqeyso saxiixa Carlos Tevez hadii ay xagaagan weyso Lavezzi oo la filayo inu isaga tago PARIS.
Sidoo kae wargeyska ayaa hadalkiisa sii raaciyay in PSG ay diyaar la tahay lacag dhan 15 Malyan Oo Euro iyadoo mushaar ahaan ugu balan qaaday 5.5 Malyan Oo Euro, waana mushaar 1 Malyan ka badan midka uu haatan qaato.
Ugu dambeyntii xidigii hore kooxaha United iyo City ayaa u dhaliyay Juve 26-gool dhamaan tartamada oo dhan waxaana ku jira 6-gool oo uu dhaliyay 8-kulan oo Champions League ah.