Home » Europe » Champions League » Leonardo Bonucci “Juventus Uma Imaan Berlina Inay Dhibane U Noqdaan Kooxda Barcelona”

Leonardo Bonucci “Juventus Uma Imaan Berlina Inay Dhibane U Noqdaan Kooxda Barcelona”


Bonucci

Daafaca kooxda Juventus Leonardo Bonucci ayaa u ogoodiyay naadiga Barcelona wuxuuna ka dhawaajiyay in kooxdiisa ay diyaar u tahay hanashada koobka horyaalada Yurub.

Daafacan awooda badan ayaa sheegay in Barcelona ay haatan awood ahaan ka sareyso kooxdiisa Juventus balse aysan marnana is dhiibi doonin.

Bonucci oo ka hadlaayo kulanka Finalaha Champion-ka wuxuu yiri “Kulankan laguma tilmaami karo mid Barcelona ay weerar tahay halka Juventus ay iyadana tahay koox daafaceeda awood badan”

“Barcelona kaliya weerarkeeda ma wanaagsano sidoo kalena daafaceeda waa mid aad u adag madaama 20-gool oo kaliya La Ligaha laga dhaliyay”

“Balse kulankan waxaa lagu kala badin doonaa dhanka khadka dhexe kooxdii ku wanaagsanaato ayaa guuleesan doonto”

“Waxaan diyaar u nahay inaan bandhig adag sameyno sidoo kalena aan kubad adag cayaarno weliba sida kulankii Dortmund aan uga hortagnay ayaan u cayaari doonaa”

“Juve uma imaanin Berlin inay dhibane u noqoto kooxda Barcelona oo ah naadi awooda badan balse dagaal walbo ayaan la gali doonaa”

Ugu dambeyntoo Bonucci ayaa sheegay in kooxdiisa ay dhibaato ku tahay maqnaan shaha Chiellini maskax ahaan iyo jir ahaanba madaama uu yahya daafaha ugu muhiimsan Juventus.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>