Home » Maxaa Cusub » L’Equipe: Paris Saint Germain Waxey Dooneysaa Xidiga Real Madrid Cristiano Ronaldo

L’Equipe: Paris Saint Germain Waxey Dooneysaa Xidiga Real Madrid Cristiano Ronaldo


cristiano-ronaldo-513-captain-playing-for-portugal-euro-2012

Sida ay qortay Majaladda faransiiska kasoo baxda ee L’Equipe kooxda Paris Saint Germain ee dalka faransiiska ayaa dooneysa xidiga Real Madrid Cristiano Ronaldo.

Si kastaba saxiixa maba dhici karo xagaagan marka loo fiiriyo xeerka dhaqaale wanaagsa UEFA oo ay PSG ka mid tahay kooxaha uu saameeyay.

Balse L’Equipe waxey qirtay in kooxdaan uu hogaamiyo Laurent Blanc ay ku faraxsan tahay iney sugto xiliyada soo aadan si ay u dhameyso saxiixa xidigaan.

Wiilkaan reer Portugal haatan wuxuu xili fiican ku qaadanayaa magaalada Madrid isagoo ka tirsan kooxda Real Madrid, balse ma cada hadii uu isaga tagi doono iyo hadii kale.

Zlatan Ibrahimovic ayaa la hadal hayaa inuu ka tagi doono kooxda Paris Saint Germain, taasna waxey qasbeysaa in kooxdan ay raadiso xidig sumcad weyn leh sidiisa.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>