Roberto Lewandowski ayaa kooxdiisa Bayern Munich guul muhiim ah ka siiyay naadiga Dortmund kulan adag oo ka dhacay garoonka Signal Iduna Park.
Kulankan Bayern ayaa 1-0 guusha ku qaadatay waxaana goolka kaliya dhaliyay Lewandowski oo kooxdiisii hore ka owsiiyay madaama ay Dortmund dhibacahaan u baahneed.
Kulankan weyn waxaa laga daawaday 200 oo dal taasi oo ka dhigan in dhaamn dunida daafaheeda laga wada daawanaayay.
Inkastoo labadan naadi xili cayaareedkan farqi weyn u dhaxeeyo dhinaca dhibcaha hadana marwalbo oo ay Dortmund iyo Bayern Munich kulmaan waxay leedahay xaamasadiisa gaarka ah.
Sidaa darteed macalin Pep Guardiola oo kooxdiisa dhaawacyo dhibaateeyeen ayaa khadka dhexe iska adkeeyay madaama uu Xabi Alonso iyo Bastian Shweinesteiger fariisiyay daafacyada hortooda.
Macalin Jurgen Klopp isagana kubad furan ayuu kusoo galay madaama uu heesto dhamaan weeraryahanadiisa sidoo kalena 80,000 ee taageerayaasha usoo daawasho tageen kulankan ayuu isku haleenayay!
Cayaarta ayaa noqotay qaybtii hore mid aan fursado badan la isku helin balse ugu dambeyntii Dortmun wiilkii kasoo tagay Roberto Lewandowski ayaa qalbi jab ku riday madaama uu cayaarta ka dhigay 1-0 daqiiqadii 36-aad.
Lewandowski ayaa madaxa ku dhaliyay kubad uu goolhaye Weidenfeller ka bad baadiyay Muller markii ay usoo laabatay wuxuuna xidigan iska diiday inuu wax dabaal deg ah sameeyo.
Bayern ayaa ku dadaashay inay kubada heesato waxaana qaybtii hore lagu kala nasta 1-0 oo ay hogaanka ku horkaceyso Bayern.
Qaybtii labaad kulankan Dortmund dadaal badan ayay sameesay balse uma suura galin inay iska soo guda goolka lagu lahaa.
Bayern waxaa dhaawac dhanka qoobka ah uga baxay cayaarta Bastian Schweinesteiger taasi oo macalin Pep Guardiola walaac ku abuurtay.
Thiago Alcantara ayaa badal kusoo galay kulankan daqiiqadii 69-aad waxaana lagu badalay Phillipp Lahm waa markii ugu horeesay ee uu xidiga reer Spain mudo hal sano kadib garoomada kasoo muuqdo!
Kulankan qaybihiisa dambe xidigaha Bayern waxay ku dadaaleen inay kubada heestaan halka Dortmund ay midaas dhibaato ku noqotay.
Ugu dambeyntii Bayern ayaa guusha ku qaadatay 1-0 waxayna ka dhigan tahay in Bayern ay haatan 10-dhibcood ku heyso Bundesligaha Jarmalka.
Dortmund dhankeeda iyada waa markii ugu horeesay 8-kulan kadib ay Bundesligaha guuldaro la kulanto balse guuldaran xanuun gaar ah ayay u leedahay madaama Bayern oo ay xifaaltamaan garoonkeeda kaga badisay.