Smalling ayaa dib ugu soo laabtay shaxda Louis Van Gaal, iyadoo macalinka reer Holland uusan wax kale ka badalin shaxdiisa marka laga reebo inuu Rojo kursiga galiyay isla markaana uu keeno Smalling marka la fiiriyo shaxdii uu kaga adkaaday Aston Villa.
Dhanka kale Di Maria, Falcao, Januzaj iyo Rafael ayaa kursiga ku jira iyadoo Juan Mata iyo Herrera ay mar kale dhexda wadaagi doonaan.
Dhanka kale Pellegrini ayaa kusoo bilaabay Aguero isagoo keydka galiyay nasrti, Dzeko iyo Lampard, sidoo kalana Navas iyo Milner ayaa kusoo bilowday.
Manchester United:
De Gea, Valencia, Jones, Smalling, Blind, Carrick, Mata, Herrera, Fellaini, Young, Rooney
Kaydka:
Valdes, Rafael, Rojo, McNair, Januzaj, Di Maria, Falcao.
Manchester City:
Hart, Zabaleta, Kompany, Demichelis, Clichy, Fernandinho, Toure, Navas, Milner, Silva, Agüero
Kaydka:
Caballero, Mangala, Kolarov, Fernando, Nasri, Lampard, Dzeko