Home » Horyaalada » La Liga Spain » Lionel Messi “Diyaar U Ahay Koobabka Barcelona Aan La Qaaday Inaan Copa America Ku Badasho”

Lionel Messi “Diyaar U Ahay Koobabka Barcelona Aan La Qaaday Inaan Copa America Ku Badasho”


leo

Lionel Messi ayaa muujiyay sida uu baahi weyn ugu qabo inuu xulkiiisa Argentina koob muhiim ah kula guuleesti.

Madaama xidigan ka dhawaajiyay koobabka Barcelona uu kula guuleestay inuu dhaafsan lahaa in xulkiisa Argentina la qaado sanadkan tartanka Copa America.

Messi oo arinkan ka hadlaayo wuxuu yiri “Marwalbo ayaan ku riyoodaa inaan Copa America ku guuleesto waana hadaf ii dagsan”

“Sidaa darteed koobabka Barcelona aan la qaadan waan ku badalan lahaa Copa America waayo haatan waxaa ii muhiim ah inaan mar un xulkeyga koob caalami ah kula guuleesto”

Lionel Messi weli xulkiisa tartan caalami ah ma uusan kula guuleesanin weliba sanadii 2007 tartanka Copa America xulka Brazil ayaa ka qaadeen halka xagaagii dhawaanaa koobkii aduunka ay xulka Jarmalka ka qaadeen.

Hadaba Messi oo kulankiisii 100-aad u safan doono cayaarta Argentina wajihi doonto xulka Jamaica ayaa doonayo inuu sanadkan xulkiisa Copa America kula guuleesto.

“Waan ku faraxsanahay inaan xulkeyga mudo dheer ka tirsanahay balse dhamaan xidigaha Argentina waxay u qalmaan inay sanadkan Copa America ku guuleestaan waana ku dadaali doonaa midaas”

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>