Home » Horyaalada » La Liga Spain » Lionel Messi Iyo Iskoorada U Yaalo Halyeegan Wax Badan Ka Ogaaw

Lionel Messi Iyo Iskoorada U Yaalo Halyeegan Wax Badan Ka Ogaaw


Messi records

Waa 27-jir hadana aduunka iskoor walbo oo u yaalay xidigan wuu jebiyay, xili walbana rikoor cusub ayuu soo kordhiyaa.

Inkastoo dhawaanahan la isla dhex maraayay in waayihii quruxda badna ee Messi dhamaad ku dhow yihiin hadana si deg deg ah ayuu arinkaas jawaab kaga bixiyay.

Madaama uu rikooro cusub sameeyay, sidaa darteed waxaan idiin soo aruurinay halyeegan iyo iskoorada u gaarka ah ee uu kubada cagta kusoo kordhiyay ilaa haatan:

Waa xidiga ugu goolasha badan taariikhda La Ligaha Spain 253-gool.

Waa xidiga ugu goolasha badan UEFA Champions League 71-gool (Iskoorkan Raul ayaa la wadaago).

Goolasha ugu badan ee hal xili cayaareed la dhaliyo 68-gool (xili cayaareed waa August ilaa May)

Waa xidiga ugu badan ee Ballon d’Or Ku Guuleestay 4-jeer.

Waa xidiga ugu badan ee gool dhalinta koobka horyaalada Yurub ku guuleestay 4-jeer (Iskoorkaan Gerd Muller ayaa la wadaago).

Waa xidiga ugu badan ee dhaliyay goolasha Hat Trick ama sedexley La Ligaha Spain 8-jeer.

Waa Xidiga goolasha ugu badan hal sano gudahaheeda ku dhaliyay 91-gool (Janaayo ilaa December).

Waa Laacibka ugu goolasha badan Barcelona taariikh ahaan 368-gool.

Waa xidiga kulamada isku xiga kuwooda ugu badan La Ligaha gool dhaliyay, 21-kulan oo xariir ah ayuu La Ligaha gool ka dhaliyay.

Waa xidiga goolasha ugu badan ku qaaday gool dhalinta La Ligaha hal xili cayaareed 50-gool.

Waa xidiga goolasha ugu badan ka dhaliyay tartanka Club World Cup 4-gool (Denilson ayaa wadaago iskoorkan).

Waa xidiga goolasha ugu badan hal kulan ka dhaliyay UEFA Champions League 5-gool (Luiz Adriano ayaa iskoorkan la wadaago)

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>