Wararka ka imaanayo dalka Spain ayaa sheegayo in Lionel Messi uu markii ugu horeesay amar diido sameeyay madaama xidigan uu tababar Luis Enrique rabay inuu badalo kulankii Barcelona 3-0 ku suul daartay kooxda Eiber.
Wargeska AS ayaa sheegay in macalin Enrique uu rabay inuu Messi nasiyo kulankii Eibar sidoo kalena uu ku badalo Munir El Haddadi balse kabtanka xulka Argentina ayaa badalka iska diiday waxaana Munir lagu badala Neymar daqiiqadii 76-aad.
Messi ayaa kulankan gool dhaliyay sidoo kalena wuxuu rababay inuu jebiyo iskoorka ruug cadaa Telmo Zarra oo ah laacibka ugu goolasha badan horyaalka Spain kuna horkacaayo 251-gool halka Messi uu leeyahay 250-gool.
Balse waxaa lala yaabay in Messi markii ugu horeesay uu amar diido sameeyay madaama lagu bartay inuu yahay laacib aqlaaq wanaagsan, inkastoo AS sheekadan daabacday hadana weli macalinka Barcelona arinkan si rasmi ah ugama hadlin.