Agaasimaha kooxda Barcelona Andoni Zubizarreta ayaa aaminsan in Lionel Messi uu u qalmo in lagu sharfto garoonka Santiego Bernabeu kulanka El-Clasico hadii xidigaan uu jabiyo rikoorka gooldhalinta horyaalka Spain.
Lionel Messi ayaa kaliya laba gool u jira inuu barbareeyo rikoorka xidiga ugu goolasha badan horyaalka Spain Telmo Zarra, kaas oo dhaliyay 251-gool, wuxuuna dhaafi karaa rikoorkaan hadii uu Madrid goolal ka dhaliyo 25-ka bishaan.
Sidoo kale xiriirka kubada cagta Spain ayaa soo jeediyay in Lionel Messi lagu weyneeyo garoonka Santiego Bernabeu hadii uu jabiyo rikoorkaan waana fursad soo martay kooxda Barcelona iyo Lionel Messi.
Ma ahan markii ugu horeysay oo ay xidigaha Barcelona saameyn dareen ku yeeshaan garoonka Real Madrid ay ku ciyaarto, balse Ronaldinho ayaa loo sarakacay loona sacab tumay xili ay Barcelona 3-0 ku garaacday Real Madrid kulan dhacay 2005.
Dhanka kale Andoni Zubizarreta ayaa aaminsan in Luis Suarez uu kasoo muuqan doono kooxda Barcelona, kulanka El-Clasico inkastoo xidigaan uusan wali kulan caalami ah u safan.
Waqtiga ganaaxa uu ka qaadmayo Suarez ayaa ku beegan waqti yar ka hor kulanka El-Clasico, waxaana suuragal u noqon karta inuu kasoo muuqdo.