Kooxaha Liverpool iyo AC Milan ayaa kusoo biireen loolanka loogu jiro xidiga ku fashilmay naadiga Ciro Immobile kaasi oo la hubo inuusan Bundesligaha baaqi kusii ahaan doonin.
Ciro Immobile bilawgii xili cayaareedkan ayuu kooxda Dortmund ku biiray balse fashil weyn ayaa qabsaday haatana booskiisa ayuu lumiyay waxaana la rajeynaa in xagaagan ay Dortmund dhageesan doonto dalabyada laacibkan ku aadan.
Kooxda Liverpool ayaa diyaar u ah inay bixiso £13m oo ay naadiga Dortmund ku dooneyso Immobile balse Liverpool waxay culees kala kulmi doontaa kooxda AC Milan madaama laacibkan uu daneynayo inuu dib ugu laabto Serie A-da Talyaaniga.
Sidoo kale kooxaha Napoli iyo Fiorentina ayaa dabagal gaar ah ku hayaan Immobile oo xili cayaareedkan 3-gool oo kaliya kooxdiisa Dortmund u dhaliya Bundelsigaha asigoo cayaaray 17-kulan.
Wararka ayaa intaas ku daraayo in 25-jirkan uu haatan beecinaayo guriga uu ku leeyahay dalka Jarmalka waxayna midaas ka dhigan tahay inuusan Dortmund lasii joogi doonin wixii ka dambeeyo xili cayaareedkan.