Sid aaan kasoo xiganay wargeska Metro kooxaha Liverpool iyo Arsenal ayaa si adag ugu hardamayaan saxiixa weeraryahanka dhalinta yar Alvaro Morata.
Xidigan Juve ka tirsan ayaa magaciisa suuqa Yurub lagu dhex hayaa madaama xagaagan la wada aaminsan yahay inuu magaalada Turin isaga tagi doono.
Inkastoo uu bilawgii xili cayaareedkan Juve kusoo biiray Alvaro Morata hadana Liverpool iyo Arsenal ayaa si joogto ah ula xariiraan wakiilka 22-jirkan si uu Premiership-ka England ugu soo dhaqaaqo.
Morata Juve waxay Real Madrid kaga soo iibsatay €20m bilawgii xili cayaareedkan balse waxaa qiimahiisa lagu jebin karaa €30m waana qiimo lacageed oo ay bixin karaan Arsenal iyo Liverpool madaama ay lacago badan ka heli doonaan TV-ga heshiiska la gaareen kooxaha EPL.
Sidoo kale Real Madrid ayaa dooneyso inay Morata dib u ceshato sidaa darteed Juve waxaa ku adkaan doonto inay ceshato xidigan hormarka wanaagsan sameenayo.
Morata ayaa waxqabad muuqdo la yimid xili cayaareedkan wuxuuna haatan ka mid yahay xidigaha muhiimka u ah naadiga Juve ka dhex muuqdaan Serie A-da Talyaaniga.