Kooxda Liverpool ayaa xaalka kusii xumaanayo kadib markii ay ku guul dareesteen inay ka badiyaan naadiga West Brom haatana Reds waxay qarka u saran tahay inay gabi ahaanba loonka Champion-ka kaalinta 4-aad isaga harto.
Liverpool ayaa 0-0 la dhaafi weesay naadiga West Brom kulan ka dhacay garoonka Hawthorns waxayna natiijadan ka dhigan tahay in Liverpool 4-kulan ee ugu dambeesay dhamaan tartamada kala duwan aysan guuleesanin.
Macalin Branden Rodgers ayaa kulan siiyay fursad wanaagsan Mario Balotelli wuxuuna xidigan cayaaray 90-daqiiqo balse midaas waxba masoo kordhin madaama Liverpool ay awoodi weesay inay wax gool ah dhaliso.
Liverpool ayaa inta badan kulankan kubada heesatay sidoo kalena aad uga fir fiicooneed dhigeeda West Brom balse daafacyada West Brom ayaa la mari waayay.
Kabtan Steven Gerrard oo kulankiisii 500-aad Premiership-ka England cayaaray ayaa ku sigtay inuu hogaanka Liverpool u dhiibo daqiiqadii 28-aad balse goolhayaha West Brom aya kubada ka bad baadiyay.
Liverpool ayaa fursado badan abuurtay qaybtii labaad weliba daqiiqadii daqiiqadii 56-aad goolhaye Myhill ayaa labo fursadood oo xariir ah ka celiyay Coutinho iyo Henderson.
Sidoo kale Jordan Ibe ayaa daqiiqadii 63-aad qoriga West Brom kubad xoogan ku dhuftay kadib markii ay kubad isku dhiibteen Balotelli wiilkan dhalinta yar ayaa kulankan dadaal dheeraad ah muujiyay.
Kulankan daqiiqadii ugu dambeeyay labadan naadi ayaa weerar iyo weerar celis cayaaraan midaasna masoo kordhinin inay wax gool ah iska dhaliyaan labada dhinac.
Kulankan waxaa lagu daray 4-daqiiqo dhamaadkiisa balse cayaarta oo dhamaad ku dhow waxaa kubad uu soo karoosay Gerrard madaxa la helay Lovren balse daafacan awooda badan wuxuu awoodi waayay inuu kubadan hoos u dhigo oo uu gool u badalo.
Kulankan ayaa kusoo idlaaday 0-0 midaas oo dib u dhac ku ah naadiga Liverpool oo haatan u muuqato inay ka quusan rabto kaalinta 4-aad madaama Premiership-ka England uu sii dhamaanayo.