Liverpool oo xagaagan dooneysa iney dib u habeyn isku sameyso ayaa kulankeeda ugu horeeya horyaalka booqan doonta Britannia Stadium waana halkii lagu xasuuqay maalintii ugu dambeysay horyaalka Ingiriiska xili ciyaareedkii lasoo dhaafay, sidoo kalana West Brom ayey marti ugu noqon doontaa gurigeeda kulanka ugu dambeeya horyaalka.
Liverpool ayaa bilaabeysa iney noolaato la’aanta kabtan Steven Gerrard kaas oo soo afjaray 17-sano oo uu xirnaa maaliyada kooxdaan ka dhisan gobolka Merseyside waxeyna dagaal xoogan u gali doonaan iney dib ugu soo laabtaa afarta sare.
James Milner, Danny Ings iyo Adan Bogdan ayaa noqday saxiixyadii ugu horeeyay Liverpool kuwaas oo dhamaantodo ah kuwa beeca xorta ah ku imaanaya Anfield 1-da July, balse shuruuda ku xirani ay tahay iney ka gudbaan tijaabada caafimaad ee la marsiin doono waqtigaas.
Dhanka kalana Liverpool waxey u muuqataa mid lumineysa da’yarkeeda Raheem Sterling kaas oo wali ku adkeysanaya inuu kooxda isaga hayaamo.
Liverpool kulanka ugu adag ee ugu soo horeeya waxey 22-ka August Emirates marti ugu noqon doontaa Arsenal, halka kulan kadibna ay Man United Old Trafford ku booqan doonto.
August 8: Stoke City (A)
August 15: Bournemouth (H)
August 22: Arsenal (A)
August 29: West Ham United (H)
September 12: Manchester United (A)
September 19: Norwich (H)
September 26: Aston Villa (H)
October 3: Everton (A)
October 17: Tottenham (A)
October 24: Southampton (H)
October 31: Chelsea (A)
November 7: Crystal Palace (H)
November 21: Manchester City (A)
November 28: Swansea City (H)
December 5: Newcastle United (A)
December 12: West Brom (H)
December 19: Watford (A)
December 26: Leicester (H)
December 28: Sunderland (A)
January 2: West Ham (A)
January 12: Arsenal (H)
January 16: Manchester United (H)
January 23: Norwich (A)
February 2: Leicester (A)
February 6: Sunderland (H)
February 13: Aston Villa (A)
February 27: Everton (H)
March 1: Manchester City (H)
March 5: Crystal Palace (A)
March 12: Chelsea (H)
March 19: Southampton (A)
April 2: Tottenham (H)
April 9: Stoke City (H)
April 16: Bournemouth (A)
April 23: Newcastle United (H)
April 30: Swansea City (A)
May 7: Watford (H)
May 15: West Brom (A)