Home » Maxaa Cusub » Liverpool Oo Calaameysatay Badalka Raheem Sterling Hadii Uu Go’aansado Inuu Ka Tago Anfield

Liverpool Oo Calaameysatay Badalka Raheem Sterling Hadii Uu Go’aansado Inuu Ka Tago Anfield


Pedro...

Sida ay sheegayaan warar ay qortay Daily Mail kooxda Liverpool ayaa sii eegatay xidigii ay u dhaqaaqi laheyd hadii Raheem Sterling uu isaga hayaamo Anfield.

Sterling ayaa ka biyo diiday inuu saxiixo heshiis cusub oo ay usoo bandhigtay kooxdiisa kaas oo uu isbuucii qadanayo aduun dhan 100,000 kun Pound, arintaasna waxey dhalisay walaac xoog leh iyo in kooxaha Man City, Chelsea, United iyo Arsenal ay ku farxeen iyagoo damacsan saxiixa xidigaan.

Dhanka kale Real Madrid ayaa ku jirta loolanka xidigaan waxaana ka marneyn Bayern Munich, balse haatan Liverpool waxey dooneysaa iney soo xerogaliso Pedro Rodriguez hadii Sterling ay ku qancin wayaan inuu sii joogo kooxda.

Pedro Rodriguez ayaa xili ciyaareedkii hore lala xiriiriyay kooxda ka dhisan Anfield balse ma suuragalin inuu usoo dhaqaaqo, balse xagaagan isagaa diyaar u ah inuu hawo badasho madama uu kursiga keydka wehel la noqday.

Ugu dambeyntiina Branden Rodgers ayaa aaminsan in Pedro Rodriguez uu buuxin karo booska Sterling inkastoo 27-jirkaan uu yahay xidig ka waaya aragsan dhigiisa.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>