Wargeska The Sun ayaa sheegay in kooxda Liverpool ay haatan dabagal xoogan ku heyso xidiga khadka dhexe kooxda Tottenham uga cayaaro Nabil Bentaleb.
The Sun ayaa sheegay in Liverpool ay aad ugu mashquulsan tahay suuqa Yurub madaama ay dhameestirtay saxiixyada James Milner iyo Danny Ings waxayna haatan dooneysaa inay saxiixyo dheeraad ah sameyso.
Macalin Brendan Rodgers ayaa wada hadalo la furay kooxda Tottenham wuxuuna doonayaa inuu xagaagan £10m kaga iibsato Nabil Bentaleb.
Bentaleb ayaa diidan inuu kooxdiisa Tottenham heshiis cusub u saxiixo sidoo kalena wuxuu xiriir wanaagsan la leeyahay Alex Inglethorpe oo ah macalinka kooxda dhalinta yare e Liverpool oo ay asigoo dhalin yar Tottenham kasoo wada shaqeeyeen.
The Sun ayaa sheegay in kooxda Tottenham aysan haatan taagneyn qaab ay ku ceshan karto Nabil Bentaleb oo ku cadaadinaayo kooxdan in xagaagan Liverpool laga iibiyo.
Sidoo kale xidigan tayada wanaagsan waxaa dabagal ku hayaan kooxaha Man City iyo Chelsea balse weli labadan naadi lama soo xariirin kooxda Tottenham.