Home » Maxaa Cusub » Liverpool Oo Dabal Xoogan Ku Heyso Weeraryahanka AC Milan Jeremy Menez

Liverpool Oo Dabal Xoogan Ku Heyso Weeraryahanka AC Milan Jeremy Menez


Jeremy Menez

Kooxda Liverpool ayaa dabagal xoogan ku heyso weeraryahanka ay kooxda AC Milan sida weyn ugu tiirsan tahay Jeremy Menez.

Tuttosport ayaa sheegay in Liverpool ay dhigeeda Milan kala hadli doonto qaabkii Menez looga iibin lahaa marka uu xili cayaareedkan soo idlaado.

28-jirkan horey ugu cayaari jiray kooxaha Roma iyo PSG ayaa ku jiro xiligiisii ugu wanaagsanaa waxayna Liverpool dooneysaa inay xagaagan lacago badan kusoo iibsato.

Madaama Mario Balotelli, Fabio Borini iyo Rickie Lambert dhamaantood xagaagan Anfield laga diri doono Liverpool ayaa ku qasban inay ugu yaraan labo weeraryahan oo tayo wanaagsan lasoo saxiixato.

Sidaa darteed Menez ayay dooneysa inay dhibaatada dhanka weerarka kaga baxdo waxaana warbixintan lagu sheegay in Liverpool ay xidigan u balan qaaday labo laabo mushaarka uu Milan haatan ka qaati kaasi oo ah 3.36-milyan oo euro ah.

Menez aya xili cayaareedkan AC Milan u dhaliyay 16-gool Serie A-da Talyaaniga asigoo cayaaray 32-kulan wuxuuna ka mid yahay xidigaha ugu banadhiga wanaagsan horyaalkan.

 

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>