Macalin Brendan Rodgers waxaa la islahaa hadii uu helay Christian Benteke oo ah weeraryahan tayo leh inuusan gool dhaliye kale suuqa Yurub ka baadi goobi doonin.
Balse haatan shabakada Daily Star ayaa sheegay in Liverpool ay dadaal xoogan ugu jirto soo xero galinta Alexandre Lacazette oo weerarka kaga cayaaro naadiga Lyon.
Liverpool ayaa haatan dalab £22m u gudbisay naadiga Lyon waxayna ku rajo weyn tahay in qiimahan laga aqbali doono sidoo kalena ay saxiixa Lacazette kaga guuleesan karto naadiga Arsenal.
Shabakada L’Equipe ayaa sheegtay in saraakiisha Liverpool u qaabilsan dalka France ay haatan wada hadalo la wadaan naadiga Lyon kuna han weyn yihiin ka hor inta uusan horyaalka England bilaabanin inay gacanta kusoo dhigto xidigan dhalinta yar.
Alexandre Lacazette oo xulka France ka tirsan wuxuu xili cayaareedkii gool dhalinta Ligue 1 ku qaaday 27-gool sidoo kalena 5-horyaal ee Yurub ugu caansan kaliya Cristiano Ronaldo iyo Lionel Messi ayaa ka gool badnaayeen xili cayaareedkii dhawaa.
Liverpool waxay iska fasixi doontaa xidigaha kala ah Rickie Lambert, Mario Balotelli iyo Fabio Borini sidoo kalena Daniel Sturridge isagana dhaawac joogto ah ayuu ka bixi la’yahay sidaa darteed muhiim ayay u tahay inay Lacazette gacanta kusoo dhigaan.