Telegraph ayaa sheegay in kooxda Liverpool ay diyaar u tahay inay xagaagan saxiixa Christian Benteke kaga guuleesato naadiga Man United.
Weeraryahanka reer Belgium ayaa dib usoo laba kacleeyay sanadkan 2015 wuxuuna diyaar u yahay inuu xagaagan isbadal dhanka naadiga ah sameeyo.
Sidaa darteed kooxdiisa Aston Villa ayaa sheegtay inay Benteke ka iibin doonto naadigii la timaado £30m waana lacago aad u fara badan.
Balse macalin Brendan Rodgers ayaa kalsooni buuxdo ka helay maamulka Liverpool oo ka balan qaadeen inay Benteke gacanta usoo galin doonaan.
Liverpool xili cayaareedkan dhibaato dhanka weerarka ah ayay la quusatay madaama Mario Balotelli iyo Rickie Lambert ay ku fashilmeen inay garoonka Anfield la qabsadaan halka Daniel Sturridge uu isagana dhaawac ka bixi la’yahay.
Man United ayaa dhankeeda dadaal ugu jirto saxiixa Benteke balse The Telegraph ayaa sheegay in Liverpool ay diyaar la tahay qiimaha Aston Villa xidigan awooda badan ku dooneyso.